HomeWarar39 Saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigreega oo Xaasaanaddii lagala Noqday

39 Saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigreega oo Xaasaanaddii lagala Noqday

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Xildhibaanada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud. Waxaana kamid aha madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher […]

- Advertisement -

Xildhibaanada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Waxaana kamid aha madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

- Advertisement -

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen in raggan looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday ciidamada dowladda iyo dambiyo kale.

Dowladda federaalka ee Itoobiya waxay howlgal militeri ka waddaa gobolka Tigray kaddib markii ay ku eedeysay inay weerar ku qaaday saldhiga ciidamada federaalka ku leeyihiin halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in howgelka uu sii socon doono tan iyo caddaallada laga horkeynayo kooxaha hubeysan isla markaana hub ka dhigis looga sameynayo.

- Advertisement -

 

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories