HomeWararWeerar dad lagu xasuuqay oo ka dhacay Itoobiya iyo faah faahin laga...

Weerar dad lagu xasuuqay oo ka dhacay Itoobiya iyo faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wakaalada wararka ee Amxaaradda ee Mass Media Agency ayaa ku warrantay in gelinkii dambe ee shalay Ciidanka Tigree-ga ay dad shacab ah oo farabadan ku xasuuqeen deegaanka Mykadra oo 30 KM kaliya ujirta Magaalada Humira. Dadka la laayay oo ahaa shacab ah ayaa la sheegay in bareer ah ah loo toogtay, waxaana lagu qaaday weerar […]

- Advertisement -

Wakaalada wararka ee Amxaaradda ee Mass Media Agency ayaa ku warrantay in gelinkii dambe ee shalay Ciidanka Tigree-ga ay dad shacab ah oo farabadan ku xasuuqeen deegaanka Mykadra oo 30 KM kaliya ujirta Magaalada Humira.

Dadka la laayay oo ahaa shacab ah ayaa la sheegay in bareer ah ah loo toogtay, waxaana lagu qaaday weerar rasaas loo adeegsaday, kuwaasi oo la xusay in aysan qeyb aheyn dagaalka u dhexeeyay Ciidanka Milateriga  Itoobiya iyo kuwa Tigree-ga.

- Advertisement -

Ugu yaraan 500 qof ayaa la soo weriyay in Ciidanka Tigree-ga ay dileen, isla markaana waxaa la sheegay in weerarkaas dadka lagu laayay uu yimid, kadib markii Tigree-ga lagala wareegay gacanta ku heynta deegaanka Humira.

Deegaanka Humira ayaa waxaa uu Ciidanka Tigree-ga u ahaa marin muhiim ah oo loo marsiin jiray Sahayda Shidaal ee ka timaada Suudaan, hayeeshee Ciidanka Milateriga Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay.

Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Qowmiyada Amxaaradda Agegnehu Tesahger ayaa ka hadlay weerarkii lagu laayay dadkii shacabka ahaa, wuxuuna sheegay in xasuuqaas uu ahaa mid ka baxsan sharuucda dagaalka, loona geystay Qowmiyadiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories