HomeWararWaa sidee saaka xaaladda degaan uu dhacay dagaal khasaaro badan geystay?

Waa sidee saaka xaaladda degaan uu dhacay dagaal khasaaro badan geystay?

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Huldooyaale oo dhanka bari ka xiga Gobolka Mudug oo shalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed. Dagaalkaas oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maleeshiyaadkii dagaalamay soo kala gaaray, waxaana dagaalka ku geeriyooday […]

- Advertisement -

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Huldooyaale oo dhanka bari ka xiga Gobolka Mudug oo shalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaas oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maleeshiyaadkii dagaalamay soo kala gaaray, waxaana dagaalka ku geeriyooday 10 qof, halka in ka badan 30 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Mudug, iyadoo dadkii gurmadka sameeynayay ay sheegeen inay ku adkaatay soo qaadida dhaawacyada, maadaama aaga laga agdhawaan waayay, dagaalkuna ahaa mid xoogan.

Dadka deegaanka Huldooyaale ayaa soo sheegaya in saaka uusan socon dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleedka, in kastoo weli ay isku hor-fadhiyaan halkii shalay uu ku dhexmaray dagaalkii xooganaa oo la isku adeegsada hubka noocaydiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka iyo Colaaada soo cusboonaatay, waxaana la tilmaamay in dagaalkii dhacay uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-dhaaqsimeedyo.

- Advertisement -

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaanka Holdooyaale ka taagneyd xiisad u dhexeeysa labada maleeshiyo beeleed, taas oo la isku dayay in xal laga gaaro, balse lagu guul-dareystay, waxaana labada dhinac  horey u dhexmaray dagaalo geystay khasaaro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories