HomeWararTaliye Odawaa oo Dowladda uga warbixiyay howlgalada ka socda dalka

Taliye Odawaa oo Dowladda uga warbixiyay howlgalada ka socda dalka

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale. Kulanka Wasiir Xasan Xuseen iyo Taliye Odawaa ayaa waxaa looga hadlay howlgalada ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Gobolada dalka ayna wadaan Ciidanka dowladda iyo kuwa […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale.

Kulanka Wasiir Xasan Xuseen iyo Taliye Odawaa ayaa waxaa looga hadlay howlgalada ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Gobolada dalka ayna wadaan Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa Wasiirka Gaadhaandhigga Xukuumadda warbixin ka siiyay hadlaka ay marayaan dhammaan Gobalada dalka, wuxuuna Taliyaha sheegay in guulo laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ee fuliyay Galmudug.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa Taliyaha Ciidanka iyo Saraakiil kale oo la kulmay faray in lasii dardar-geliyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda dalka, si looga xoreyo deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Ciidanka Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa dagaal xoogan kula jira dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana howlgalo Ciidanka ay sameeyeen kula wareegay deegaano dhowr ah oo horey ugu sugnaayeen Shabaabka.

- Advertisement -

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa weeraro qorsheysan oo khasaaro geysta ku qaada Saldhigyada Ciidanka Dowladda iyo kuwa ASMSIOM, sidoo kalena mararka qaarkood la eegta qaraxyo miino oo dhulka la geliyay, kuwaasi oo geysta khasaaro kala duwan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories