HomeWararShir looga hadlaayay Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo la qabtay

Shir looga hadlaayay Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo la qabtay

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay hormarka maaliyadda, dhaqaalaha dalka kadib markii uu kulan qadka internerka ee fogaanka arraga uga qeyb-galay shirkadka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics). “Sharaf ayay ii tahay in aan ka jeediyay khudbad ku saabsan horumarka Maaliyadda iyo […]

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay hormarka maaliyadda, dhaqaalaha dalka kadib markii uu kulan qadka internerka ee fogaanka arraga uga qeyb-galay shirkadka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics).

“Sharaf ayay ii tahay in aan ka jeediyay khudbad ku saabsan horumarka Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics) taa oo u qabsoontay hab Online ah.

- Advertisement -

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sidoo kale safiirka dowladda swedan ee soomaaliya uga mahadceliyayka qeyb-galka barnaamijka lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Sweden ee u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo igu wehlinayay barnaamijka aan uga hadalnay dhaqaalaha Soomaaliya. Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka maaliyadda Dr.Cabdiraxmaan Duceele Bayle.

Ugu dambeytii wasiirka maaliyadda eee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu sheegay in Isbadalka saxda ah ee maaliyadda dalka u horseeday kalsoonida iyo taageerada dhaqaale ee Saaxibada Caalamka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories