HomeWararMadaxweyne ku-xigeenka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo la doortay

Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo la doortay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa goordhow soo dhammaatay Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweyne ku-xigeenka […]

- Advertisement -

Waxaa goordhow soo dhammaatay Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, isagoo helay 87 Cod.

Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa isna helay Codad gaaraya ilaa iyo 12 Cod, isla markaana ma jirin Codad halaabay oo ay dhiibteen Xildhibaanada Maamulkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa shaaciyay natiijada Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Maanta Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo helay Codad gaaraya 86 Cod, waxaana uu noqonayaa Madaxweynaha saddexaad ee maamulkaas uu yeeshay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories