HomeWararMaamulka Galmudug oo Digniin Culus kasoo saaray dagaal beeleedyada

Maamulka Galmudug oo Digniin Culus kasoo saaray dagaal beeleedyada

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulkaas. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay in dagaal beeleedyada dhacaya ay yihiin kuwo siyaasadeysan, isagoo ku eedeeyay dad […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulkaas.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay in dagaal beeleedyada dhacaya ay yihiin kuwo siyaasadeysan, isagoo ku eedeeyay dad kala duwan iyo Al-shabaab.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Wasiir Falagle inay jiraan dad isugu jira rag iyo dumar oo doonaya in la sii huriyo Colaaad beeleedyada ka dhaca deegaanada Galmudug, si loogu yeero howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ay Ciidanka wadaan.

Falagle ayaa waxaa uu tilmaamay in cidii kasta oo ku lug yeelata sii hurinta dagaal beeleedyada sida Ganacsado, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada ay Galmudug ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan, isla markaana  la tiigsan doonaan Maxkamad.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu  Al-shabaab ku eedeeyay inay ay qeyb ka yihiin dagaal beeleedyada dhacaya, wuxuuna carabka ku dhuftay in marnaba maamulka arrintaas uusan aqbali doonin, lala sii wado howlgalka ka dhan ah Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Si kastaba hadalka Wasiirka Warfaafinta Falagle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo deegaano ka tirsan Galmudug ay mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayeen dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aano qabiil, waxaana ugu dambeeysay maalintii shalay oo dagaal xoogan laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray gobolka Mudug.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories