HomeWararDuqa Muqdisho oo isla xisaabtan ku bilaabay Injineero dhisaya waddooyin

Duqa Muqdisho oo isla xisaabtan ku bilaabay Injineero dhisaya waddooyin

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo uu wehliye ku-xigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cabdi oo gudanaya waajibaadkooda shaqo waxa ay isla xisaabtan ugu tageen Injineerada dhisaya biyo qabad-weyn oo laga hergilanayo dhabarka danbe Dugsiga 21 octobar ee Degmada Waaberi si ay halkaasi ugu soo dhacaan Biyaha ka yimaada wadooyinka qaar […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo uu wehliye ku-xigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cabdi oo gudanaya waajibaadkooda shaqo waxa ay isla xisaabtan ugu tageen Injineerada dhisaya biyo qabad-weyn oo laga hergilanayo dhabarka danbe Dugsiga 21 octobar ee Degmada Waaberi si ay halkaasi ugu soo dhacaan Biyaha ka yimaada wadooyinka qaar ee Degmooyinka, Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu booqday wadooyinka qaar ee saameynta ku yeeshay Roobabkii ka da’ay Caasimada, asigoona kula xisaabtamay Injineerada horey u dhisay wadooyinkaasi bur-burka hada soo gaaray.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray Injineerada dhisaya biyo qabadka weyn in xal deg-deg ah loo helo biyo roobaadka fadhiista wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa balan-qaaday in maalmaha soo socda marka la dhameeyo biyo-qabadkaan uu culeeska ka dagi doono Magaalada, asigoona sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay isku tashi iyo in xal loo helo Caasimada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories