HomeWararDoorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Hirshabeelle oo Maanta dhaceysa

Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Hirshabeelle oo Maanta dhaceysa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa. Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ayaa shalay khudbado u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, iyagoo uga hadlay wax qabadkooda  ku aadan markii xilalkaas loo doorto. Xilka Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ayaa shalay khudbado u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, iyagoo uga hadlay wax qabadkooda  ku aadan markii xilalkaas loo doorto.

- Advertisement -

Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya labada Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ayaa waxaa u taagan Musharaxiinta Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la filayaa inay si rasmi ah u doortaan Madaxweynaha hoggaamin doona maamulkaas iyo ku-xigeenkiisa, waxaana la sheegayaa in Doorashada ay tahay mid adeg.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin, Guddoomiyeyaal degmo iyo xubno kale farabadan oo kale ayaa ka qeyb galaya doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta siweeyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Booliska dowladda gaar ahaan kuwa Haramcad iyo kuwa Hirshabeelle, iyadoona dhaq-dhaqaada Magaalada aad loo yareeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee Jowhar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories