HomeWararDiyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Doorashada oo ka socota Jowhar

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Doorashada oo ka socota Jowhar

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlka loogu tala-galay in ay ka dhacdo Doorashada ayaa haatan waxaa kusii qulqulaya Xildhibanada Baarlamanka Hirshabeelle, siyaasiyiin Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan oo halkaas gaaray, Guddoomiyeyaal degmo iyo xubno kale […]

- Advertisement -

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlka loogu tala-galay in ay ka dhacdo Doorashada ayaa haatan waxaa kusii qulqulaya Xildhibanada Baarlamanka Hirshabeelle, siyaasiyiin Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan oo halkaas gaaray, Guddoomiyeyaal degmo iyo xubno kale oo farabadan.

- Advertisement -

Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya labada Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ayaa waxaa u taagan Musharaxiinta Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu yahay mid siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad iyo kuwo kale.

- Advertisement -

Wariyeyaal ka tirsan warbaahinta Dalsan oo ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in Maanta Magaalada laga dareemayo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo dhaceysa, dadkuna ay aad u hadal hayaan Arrimaha doorashada.

Goobaha Gancsiga ayaa intooda badan Maanta waxaa ay yihiin kuwo xiran, waxaana Ciidanka sugida amniga doorashada aad u yareeyeen dhaq-dhaqaada waddooyinka soo gala iyo kuwa  kabaxa howllka lagu qabanayo Doorashada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories