HomeWararDEG DEG:-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo la doortay

DEG DEG:-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo la doortay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku doortay Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Doorashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha Cusub ee […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku doortay Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 86 Cod.

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo la tartamay Cali Guudlaawe ayaa isna helay Codad gaaraya 13 Cod, isagoona sidaas looga guuleystay Cabdiraxmaan Jimcaale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashada Madaxweynaha, wuxuuna ku dhawaaqay in Cali Guudlaawe uu noqday Madaxweynaha Cusub ee hoggaamin doona Hirshabeelle.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa daqiiqado kadib bilaaban doonta Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tartamayaan Musharaxiinta kala ah Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories