HomeWararDad loo qabtay rasaas lagu furay Masjid ku yaalla Magaalada Guriceel

Dad loo qabtay rasaas lagu furay Masjid ku yaalla Magaalada Guriceel

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka amniga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galagduud ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaaladaas, waxaana laga helayaa faah faahino. Howlgalka Ciidanka amniga ayaa intii uu socday waxaa ay ku qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen rasaas xalay lagu furay Masjida Beder ee Guriceel, […]

- Advertisement -

Ciidanka amniga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galagduud ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaaladaas, waxaana laga helayaa faah faahino.

Howlgalka Ciidanka amniga ayaa intii uu socday waxaa ay ku qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen rasaas xalay lagu furay Masjida Beder ee Guriceel, kadib salaadii maqrib ee xalay.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidanka amniga ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay haatan lagu wado baaritaano kala duwan, waxaana dadka qaarkood la sheegayaa inay ku jiraan rag Ganacsato oo caan ka ah gudaha Magaaladaas.

Rag hubeysan oo la aqoon waxa ay ahaayeen ayaa xalay rasaas dhowr ah ku furay Masjidka Beder ee Magaalada Guriceel, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay, marka laga reebo rasaasta oo ku dhacday derbiga Masjidka.

Masjidkan ayaa kamid ahaa Masaajidyadii ku xirmay Dagaalladii Magaalada Guriceel kal horey ku dhexmaray Ahlusunna Waljameeca iyo Al-shabaab, iyadoona dhawaan ay dib u fureen maamulka Shirkadda Bader ee Guriceel.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories