HomeWararCiidamo hubeysan oo hoygiisa kala baxay Sheekh Caan ka ah Guriceel

Ciidamo hubeysan oo hoygiisa kala baxay Sheekh Caan ka ah Guriceel

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa xalay ilaa iyo maanta ka socda howlgalo kala duwan oo ay wadaan laamaha amniga Glmudug, iyadoo howlgalka lagu qabtay dad farabadan. Howlgalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii xalay rag hubeysan ay weerar rasaas ku qaadeen Masjidka Beder ee Guriceel, xili laga soo baxay salaadii maqrib ee xalay, in […]

- Advertisement -

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa xalay ilaa iyo maanta ka socda howlgalo kala duwan oo ay wadaan laamaha amniga Glmudug, iyadoo howlgalka lagu qabtay dad farabadan.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii xalay rag hubeysan ay weerar rasaas ku qaadeen Masjidka Beder ee Guriceel, xili laga soo baxay salaadii maqrib ee xalay, in kastoo aysan jirin cid wax ku nqotay falkaas.

- Advertisement -

Ciidanka amniga ayaa howlgalka ku qabtay dad dhowr ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen rasaastii lagu furay Masjidka, waxaana dadkaas ku socda baaritaano kala duwan.

Sidoo kale Ciidanka amniga Magaalada Guriceel ayaa maanta xabsiga dhigay Sheekh Caan ka ahaa halkaas oo lagu magacaabo Sheekh Ismaaciil Tashada oo kamid Culimada Ahlsunna ee Guriceel, waxaana la sheegay in lagala baxay hoygiisa.

Rag hubeysan oo la aqoon waxa ay ahaayeen ayaa xalay rasaas dhowr ah ku furay Masjidka Beder ee Guriceel, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay, marka laga reebo rasaasta oo ku dhacday derbiga Masjidka.

- Advertisement -

Masjidkan ayaa kamid ahaa Masaajidyadii ku xirmay Dagaalladii Magaalada Guriceel kal horey ku dhexmaray Ahlusunna Waljameeca iyo Al-shabaab, iyadoona dhawaan ay dib u fureen maamulka Shirkadda Bader ee Guriceel.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories