HomeWararCali Guudlaawe “Ma jirto faragelin ay Dowladda Somalia ku sameeysay Doorashadii Hirshabeelle”

Cali Guudlaawe “Ma jirto faragelin ay Dowladda Somalia ku sameeysay Doorashadii Hirshabeelle”

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ee uu ku guuleystay. Cali Guudlaawe oo khudbad kahor jeediyay Xildhibaanadii doortay ee Hirshabeelle ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ee uu ku guuleystay.

Cali Guudlaawe oo khudbad kahor jeediyay Xildhibaanadii doortay ee Hirshabeelle ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Cali Guudlaawe inuu ku faraxsan yahay in lasoo Gaba-gabeeyay dadaalkii muddo dheer lasoo waday oo lagu soo dhisayay Maamulka Hirshabeelle, iyadoo aysan wax  dhibaato iyo khilaaf midna dhicin.

Madaxweynaha Cusub ayaa u mahadceliyay dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka ee xilka Madaxweynaha u doortay iyo Odayaasha dhaqanka ka qeyb qaatay dadaakii loo soo galay dhismaha Maamulkaas.

Isaga oo sii hadlaayay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayuu sheegay in Doorashada ka dhacday Magaalada Jowhar aysan wax lug ah ku yeelan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku dhacday wadatashi bulsho.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cali Guudlaawe oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 86 Cod, halka Musharixii la tartamay uu helay 13 Cod.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories