HomeWararWafdi ka socday dowladda Federaalka oo gaaray Jowhar + ujeedka

Wafdi ka socday dowladda Federaalka oo gaaray Jowhar + ujeedka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Magaalada Jowhar ee  Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa gelinkii dambe ee gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka gaadhaandhigga Xukuumadda Cabdifitaax Qaasim Maxamed. Wafdiga Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee  Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa gelinkii dambe ee gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka gaadhaandhigga Xukuumadda Cabdifitaax Qaasim Maxamed.

Wafdiga Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka gaadhaandhigga Cabdifitaax Qaasim oo la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu u sheegay in ujeedkooda Jowhar uu yahay sidii ay kulamo kala duwan ula qaadan lahaayeen Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa uu Cabdifitaax Qaasim sheegay inay ka qeyb geli doonaan Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo maalinta berri ah ka dhaceysa Magaalada Jowhar, kadibna ay kulan la qaadan doonaan Madaxda Cusub.

Waxaa kaloo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda uu tilmaamay in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb galaya Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid siweyn loo adkeeyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories