HomeWararMustafe Cumar oo War kasoo saaray dagaalka ka socda G/Tigreega

Mustafe Cumar oo War kasoo saaray dagaalka ka socda G/Tigreega

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ayaa sheegay in haddii Ururka Xoreynta Tigray ee TPLF aan la soo afjarin inay khatar galeyso wadajirka iyo midnimada Itoobiya. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo Telefishinka Aljazeera u warramay, wuxuu si weyn u taageeray go’aanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ah in howlgal militari laga fuliyo gobolka Tigray kaas oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ayaa sheegay in haddii Ururka Xoreynta Tigray ee TPLF aan la soo afjarin inay khatar galeyso wadajirka iyo midnimada Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo Telefishinka Aljazeera u warramay, wuxuu si weyn u taageeray go’aanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee ah in howlgal militari laga fuliyo gobolka Tigray kaas oo ka dhan ah TPLF.

- Advertisement -

“Ra’iisal wasaaraha Itoobiya labada sano iyo barkii la soo dhaafay wuxuu diyaar u ahaa, dadaal adagna uu u galay, sidi khilaafka jira wadahadal looga dhammeyn lahaa, balse Kooxda TPLF ayaa jebisay dhammaan nidaamyadii siyaasadeed ee ka jiray dalka Itoobiya dastuurkii bey baalmareen iyaga oo doorasho sharci darro ahna qabsaday”,ayuu yiri Mustaf.

Mustaf wuxuu maamulka Tigray ku eedeeyay in mas’uuliyiin sare oo deegaankaasi ka mid ah ay baahiyeen inay haystaan gantaallo ay riddadooda gaareyso ilaa iyo 700 oo km, oo ay ugu talagaleen inay ku duqeeyaan caasimadda Itoobiya iyo magaalooyinka kale.

Gobolka Tigray waxaa weli ka socda howlgalka militariga dowladda oo Abiy Axmed uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu soo celinayo xasilloonida. Golaha federaalka ee dalkaas ayaana dhowaan sheegay in xilka laga qaaday madaxda gobolkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories