HomeWararMusharaxiinta Madaxweynaha Somalia oo fariin Culus u diray Farmaajo iyo Rooble

Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia oo fariin Culus u diray Farmaajo iyo Rooble

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa War Cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha dowladda oo lagu heshiiyay in waqtigii loogu tala-galay ay ku dhacdo. Qoraal kasoo baxay Musharaxiin dhowr ah ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku […]

- Advertisement -

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa War Cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha dowladda oo lagu heshiiyay in waqtigii loogu tala-galay ay ku dhacdo.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiin dhowr ah ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA.

- Advertisement -

Musharaxiinta Qoraalka soo saaray ayaa waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale.

Sidoo kale musharxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday inay si deg deg ah Guddiyada Doorashada uga saaran xubno ay ku sheegeen inay ka tirsan Hay’adda NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Madasha Xisbiyada Qaran oo soo saaray Qoraal ayay ku Cambaareeyeen Guddiyada Doorashada heer Federaal, iyagoona sheegay in xubnaha Guddiga ay ka tirsan yihiin Hay’addaha NISA iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka, taasina ay baalmarsan tahay Shuruucda u yaalla dalka.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka  Musharxiinta ay soo saareen.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories