HomeWararMaxaa ka jira in Somalia iyo Kenya ay ka wada hadleen xayiraada...

Maxaa ka jira in Somalia iyo Kenya ay ka wada hadleen xayiraada Qaadka?

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in ay jirto arrin in muddo ahba miiska saarneyd oo ah in dal ku-galka loo fududeeyo dadka ka imanaya Soomaaliya. Danjire Kamau ayaa sheegay in taasi ay tahay in lagu saleeyo wadaxaajood ku aaddan isu socodka dadka iyo fursadaha ganacsi. Dhinaca […]

- Advertisement -

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in ay jirto arrin in muddo ahba miiska saarneyd oo ah in dal ku-galka loo fududeeyo dadka ka imanaya Soomaaliya.

Danjire Kamau ayaa sheegay in taasi ay tahay in lagu saleeyo wadaxaajood ku aaddan isu socodka dadka iyo fursadaha ganacsi.

- Advertisement -

Dhinaca kale Xoghaye Macharia Kamau ayaa gaashaanka u daruuray in wadahadalladii Muqdisho ku dhexmaray wafdigiisa iyo kuwa Soomaaliya ay gun dhig u aheyd xayiraadda saaran khaadka Kenya ee Soomaaliya la gayn jiray, waxa uuse sheegay in isagu uu soo hadalqaaday dhibaatada xayiraadda ay u gaysatay beeralayda kaadka ee dalkiisa.

“Maya si gaar ah ugama annu wada hadal arrintaasi, balse aniga uun baa u sheegay dhibaatada ay arrintaasi ku hayso beeralayda Kenya,” ayuu yiri Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya

Beeraleyda khaadka ee dalka Kenya ayaa hore u sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadda la saaray caleentaas ay u dhoofin jireen gudaha dalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories