HomeWararMahdi Guuleed “Qoraalkii Musharaxiinta Madaxweynaha 2020/21 waxaa ka muuqda quus iyo niyad-jab”

Mahdi Guuleed “Qoraalkii Musharaxiinta Madaxweynaha 2020/21 waxaa ka muuqda quus iyo niyad-jab”

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Qoraal khadar ayaa ka hadlay Qoraal ay soo saareen Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay uga soo horjeedan Guddigyada Doorashooyinka ee la magacaabay. Qoraal uu soo saaray Mahdi Guuleed ayuu Qoraalkii Maanta ee Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2020/2021 ku tilmaamay mid uu ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyad-jab. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Qoraal khadar ayaa ka hadlay Qoraal ay soo saareen Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay uga soo horjeedan Guddigyada Doorashooyinka ee la magacaabay.

Qoraal uu soo saaray Mahdi Guuleed ayuu Qoraalkii Maanta ee Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee 2020/2021 ku tilmaamay mid uu ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyad-jab.

- Advertisement -

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa sheegay inuu garan waayay farqiga u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 ay soo kala magacaabeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa ayaa sheegay in Guddiyada Doorashada haatan iyo kuwii 2016 ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.

“Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab. Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

- Advertisement -

Musharaxiin dhowr ah oo kamid yihiin Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories