HomeWararKhasaaro ka dhashay dagaal xoogan oo weli ka socda Mudug

Khasaaro ka dhashay dagaal xoogan oo weli ka socda Mudug

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug, kaasi oo bilowday saakay soona gaaray ilaa duhurnimadii Maanta. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalka maleeshiyaadka, waxaana dadka deegaanka Huldooyaale ay sheegeen in dagaalkaas la […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug, kaasi oo bilowday saakay soona gaaray ilaa duhurnimadii Maanta.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalka maleeshiyaadka, waxaana dadka deegaanka Huldooyaale ay sheegeen in dagaalkaas la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Inta la xaqiiyay 10 qof oo dhinacyada ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tirro intaas kabadana ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weli labada dhinac ay is-horfadhiyaan, isla markaana mararka qaarkood la maqlayo dhawaqa rasaasta, ayna dareemayaan cabsi xoogan oo la xiriirta Colaada ka soo cusboonaatay Huldooyaale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay sodaan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka oo ay wadaan Odayaal iyo xubno kale, waxaana dagaalkaas uu yahay mid salka ku haayo Arrimo ku aadan dhul-daaqsimeedyo.

- Advertisement -

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa Holdooyaale ka taagneyd xiisad u dhexeeysa labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya, taas oo la isku dayay in xal laga gaaro, balse lagu guul-dareystay, waxaana labada dhinac  horey u dhexmaray dagaalo geystay khasaaro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories