HomeWararHowlgallo lagu baadi goobayo dableey Weerar gaysatay oo  ka socda Kismaayo

Howlgallo lagu baadi goobayo dableey Weerar gaysatay oo  ka socda Kismaayo

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in Saaka uu howlgal ballaaran ka socdo Magaaladaasi, waxaana Gudaha Kismaayo lagu arkayaan Ciidan kala duwan oo Boolis iyo Nabad Sugid isugu jira oo howlagallo ka wada Magaaalada. Howlagalkaan ayaa la sheegay in uu la xariiro Weerar Bom-gacmeedyo ah oo xalay […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in Saaka uu howlgal ballaaran ka socdo Magaaladaasi, waxaana Gudaha Kismaayo lagu arkayaan Ciidan kala duwan oo Boolis iyo Nabad Sugid isugu jira oo howlagallo ka wada Magaaalada.

Howlagalkaan ayaa la sheegay in uu la xariiro Weerar Bom-gacmeedyo ah oo xalay lagu weeraray Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Baaleey.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa kusoo warramaya in ay Saaka kismaayo ku arkayaan Ciidmo kala duwan oo Boolis u badan oo Mgaalada Howlagal ka wada, waxaana si gaar ah ay ugu raad joogaan dableydii Xalay weerartay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulkaasi.

Weerarka Xalay lagu Qaaday Mas’uulkaasi ayaa waxaa ku waxyeelobay Qoyskiisa, iyadoo warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in Seddex ruux oo ka tirsan Qoyska Guddoomiyaha lagu dhawaacay, mana jiraan khasaare kale oo laga soo wariyay dhacdadaasi.

Guddoomiyaha ayaa weerarka ka bad-baaday, wax waxyeelo ahna kama soo gaarin guddoomiyaha, kooxdii weerarkaas gaystay ayaaa goobta ka baxsaday, waxaana saaka socda Howlgal lagu baadi goobayo dableydii la sheegay in ay weerarkas ka dambeyeen.

- Advertisement -

Habeenka ka hor waxaa Baardheere lagu weeraray mas’uul ka tirsan Jubbaland,w axaana dhawaanahaaan soo badanaya dilalka iyo weerarada lagu qaadayo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulkaasi Jubbaland.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories