HomeWararGuddoomiye Shuute oo Digniin Culus u diray laamaha amniga Dowladda

Guddoomiye Shuute oo Digniin Culus u diray laamaha amniga Dowladda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuute ayaa Digniin kama dambeys ah u diray Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo kuwa NISA. Guddoomiye Shuute oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska looga baahan yahay sugida amniga Caasimadda, ayna la kaashadan kuwa Hay’adda nabadsugida, si loo yeesho wadashaqeyn. […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuute ayaa Digniin kama dambeys ah u diray Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo kuwa NISA.

Guddoomiye Shuute oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska looga baahan yahay sugida amniga Caasimadda, ayna la kaashadan kuwa Hay’adda nabadsugida, si loo yeesho wadashaqeyn.

- Advertisement -

Guddoomiye Shuute ayaa Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo NISA uga digay inay dhexdooda ay dagaalamayan, isagoo sheegay in arrintaas lid ku tahay howlaha sugida amniga, wuxuuna tilmaamay in isku dhacyo Ciidanka dhexdooda aan la aqbali doonin.

Waxaa uu sheegay Shuute in dagaalada dhexmara Ciidamada ay Maxkamad ku muteysan doonaan Saraakiisha Ciidankaas, sidoo kalena la xirayo dhammaan Ciidanka isku dhacay iyo Saraakiishooda.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa carabka ku dhuftay in marnaba aan la aqali doonin in Ciidanka dowladda dhexdood ay gurmad kala duwan isku dalbadan, markii Askari iyo Askari kale aan ka tirsaneyn Ciidankiisa uu fal dil ah u geysto.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in hadii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ama kuwa NISA ay fal dembi ah geystaan Saraakiisha looga baahan  yahay in Askarigaas ku xiraan Saldhiga degmada uu falka ka geystay.

Digniintaan uu diray Guddoomiyaha Shuute ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mararka qaarkood Ciidanka Booliska dowladda iyo kuwa NISA gaar ahaan dharcada ay Israsaaseyn geysata khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ku dhexmarto Magaalada Muqdisho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories