HomeWararGalmudug oo ka hadashay Qaraxii Maanta lala eegtay Ciidanka Dowladda

Galmudug oo ka hadashay Qaraxii Maanta lala eegtay Ciidanka Dowladda

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaas.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidanka qeybta 21-aad ee Xoogga dalka, xili ay marayeen deegaanka sinna-dhaqo.

- Advertisement -

Wasiir Falagle ayaa sheegay in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii saarneyd gaariga, waxaana goobta ku geeriyooday laba Askari, halka 8 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, uuna burburay gaarigaas.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Axmed Shire Falagle ayaa tilmaamay in Ciidanka dowladda ay weli ku sugan yihiin deegaanadii dhawaan ay Al-shabaab kala wareegeen, kuwaasi oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku warramay in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo jugtiisa ay siweyn u maqleen, waxaana halkaas gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda, isla markaana qaaday Meydadka iyo dhaawacyada.

- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Galgaduud, waxaana xusid mudan in Shabaab iyo Ciidanka uu dhexmaray dagaalo geystay khasaaro kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories