HomeWararFaah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka socda degaan ka tirsan Mudug

Faah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka socda degaan ka tirsan Mudug

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa haatan ka socda deegaanka Holdooyaale ee Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso halkaas. Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay inuu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo ku yaalla Holdooyaale, waxaana maleeshiyaad hubeysan ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Dadka deegaanka […]

- Advertisement -

Dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa haatan ka socda deegaanka Holdooyaale ee Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso halkaas.

Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay inuu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo ku yaalla Holdooyaale, waxaana maleeshiyaad hubeysan ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku warramay in dagaalka oo bilowday barqanimadii Maanta uu weli socdo, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaasta,  uuna jiro khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhaawacyada oo si dhib ah looga soo qaaday aaga dagaalka ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Gobolka Mudug, waxaana xaaladda ka jira deegaanka Holdooyaale ay taha mid adeg, maadaama uu weli dagaalka socdo.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaanka Holdooyaale ka taagneyd xiisad u dhexeeysa labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya, taas oo la isku dayay in xal laga gaaro, balse lagu guul-dareystay, waxaana labada dhinac  horey u dhexmaray dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

- Advertisement -

Deegaano ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ku soo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aano qabiil, waxaana bishaan November Magaalada Caabudwaaq iyo deegaano kale ka dhacay dilal la xiriira aano qabiil.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories