HomeWararDuqa Muqdisho oo Maanta ka hadlay saameynta Cudurka Coronavirus

Duqa Muqdisho oo Maanta ka hadlay saameynta Cudurka Coronavirus

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in muhiimad ay leedahay in dadka laga wacyo-geliyo Cudurka halista ah ee COVID-19, si si looga feejignaado faafida Cudurka. Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Cudurka uu yahay dilaa oo kumanaan qof ay u geeriyoodeen, halka kuwo kalena uu weli haayo, ayna […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in muhiimad ay leedahay in dadka laga wacyo-geliyo Cudurka halista ah ee COVID-19, si si looga feejignaado faafida Cudurka.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Cudurka uu yahay dilaa oo kumanaan qof ay u geeriyoodeen, halka kuwo kalena uu weli haayo, ayna muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed laga wacyo-geliyo, si uusan u faafin.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka uu olole buufin ah sameeyay xiligii uu Cudurka saa’id ku ahaa Caasimadda dalka, isla markaana la sameeyay dadaado dhowr ah oo looga hortegayay Cudurka.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu soo bandhigay daraasad ka hadleysa saameyntii uu Xanuunka Covid19 ku yeeshay shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya, Wakiilka UNDP ee Soomaliya, Agaasimayaal iyo qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Daraasadan oo lala kaashaday Midowga Yurub iyo Hay’addo kale ayaa waxaa waxa soo bandhigay Unuga Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ay ku saabsaneyd Cudurka COVID-19.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories