HomeWararDegmo ka tirsan G/Banaadir oo markii ugu horreysay yeelatay Maxkamad

Degmo ka tirsan G/Banaadir oo markii ugu horreysay yeelatay Maxkamad

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Maanta xarigga ka jaray Xarunta Cusub ee Maxkamadda degmada Shibis ee Gobolkaaan oo markii ugu horreysay yeelatay Maxkamad. Guddoomiye Maxamed Axmed Cismaan oo ka hadlay Munaasabadda xariga looga jarayay Maxkamadda Shibis ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka Maxkamadda Cusub oo uu sheegay in shacabka degmadaas ay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Maanta xarigga ka jaray Xarunta Cusub ee Maxkamadda degmada Shibis ee Gobolkaaan oo markii ugu horreysay yeelatay Maxkamad.

Guddoomiye Maxamed Axmed Cismaan oo ka hadlay Munaasabadda xariga looga jarayay Maxkamadda Shibis ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka Maxkamadda Cusub oo uu sheegay in shacabka degmadaas ay baahi u qabeen.

- Advertisement -

Cismaan ayaa tilmaamay in Xafiiskiisa ay ugu imaan jireen dad ka socda degmada Shibis oo ka dalbanayay in Xarun Maxkamd laga hirgeliyo degmada, si qeybaha kala duwan Bulshada u helaan adeegyada Garsoorka.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomaali iyo Mas’uuliyiintii kale ee horey u soo maray degmadaas ayuu Guddoomiye Maxamed Axmed uga mahadceliyay dadaalkii ay sameeyeen oo ahaa sidii ay shacabka u heli lahaayeen Maxkamadda, bale haatan ay heleen.

Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa noqoneysa degmadii 15-aad ee Gobolkaan ee leh Xarun Maxkamadeed, waxaana Munaasabada furitaanka kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo xubno kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories