HomeWararDEG DEG:- kolonyo ay Wateen Ciidanka Dowladda  oo Qarax lagula  beegsaday G/Galgaduud

DEG DEG:- kolonyo ay Wateen Ciidanka Dowladda  oo Qarax lagula  beegsaday G/Galgaduud

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka aan ka helayno degaanka Sina-dhaqo ee duleedka Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya Qarax Miino lagula eegtay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan qaraxaasi. Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa Jugtiisa laga maqalay degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan degaanada ku xeeran degaanka Qaraxu […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno degaanka Sina-dhaqo ee duleedka Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya Qarax Miino lagula eegtay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan qaraxaasi.

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa Jugtiisa laga maqalay degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan degaanada ku xeeran degaanka Qaraxu ka dhacay ee Sino-dhaqo.

- Advertisement -

Ciidanka Dowladda oo Kolanyo gaadiid ah watay ayaa la sheegay in Qaraxaasi waddada loogu aasay, waxaana kasoo gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo dadka degaanka ay soo sheegayaan khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyadoo ay ku dhaawacmeen 9 kale, waxaana hadda xaaladdu ay tahay mid kacsan oo degaanka ay howlgallo ka billaabeen  Ciidanka Qaraxa lala beegsaday ee Kolonyada la socday.

Ciidanka Dolwadda ayaa dhawaanahaan waxaa ay tiro dhowr jeer Al-shabaab ay kula dagaalameen degaanno duleedka ka ah Dhuusamareeb, waaxana inta badan ay la waregeen degaanadii lagu dagaalamay.

- Advertisement -

Wixii warar kusoo kordha halkaan kala soco

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories