HomeWararCiidanka Dowladda oo la wareegay degaan ay ku sugnayeen Al-shabaab

Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaan ay ku sugnayeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka 21-aadka iyo kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Labilule oo […]

- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka 21-aadka iyo kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Labilule oo koonfur kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa soo sheegaya inay la wareegeen gacanta ku heynta Labilule, ayna ku sugan yihiin, isla markaana ay ka wadaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, si looga hortego dhibaato dhacda.

Sidoo kale dad ku sugan meel ku dhow deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa ku warramay inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay dhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, wallow markii dambe dagaalka uu istaagay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Labilule ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khasaaro, in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

- Advertisement -

Dagaalkaan ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Al-shabaab barqannimadii Maanta Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah kula eegteen duleedka Dhuusamareeb, waxaana halkaas ku dhintay laba Askari, halka 8 kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories