HomeWararAmmaanka Jowhar oo la adkeeyay iyo wararkii ugu dambeeyay Doorashada Hir-Shahbeelle

Ammaanka Jowhar oo la adkeeyay iyo wararkii ugu dambeeyay Doorashada Hir-Shahbeelle

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-shabeelle ayaa Saaka la adkeeyay, waxaana sababta keentay in la adkeeyo Ammaanka ay tahay doorashada Madaxweynaha iyo  Madaxweyne ku xigeenka oo Berri ka dhici doonta Gudaha Magalaadaasi. Ciidan aad u farabadan ayaa lasoo dhoobay waddooyinka Jowhar kuwaasi oo amaaanka adkeynaya, waxaana y baaritaanno ku sameynayan Gaadiidka iyo dadka soo […]

- Advertisement -

Amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-shabeelle ayaa Saaka la adkeeyay, waxaana sababta keentay in la adkeeyo Ammaanka ay tahay doorashada Madaxweynaha iyo  Madaxweyne ku xigeenka oo Berri ka dhici doonta Gudaha Magalaadaasi.

Ciidan aad u farabadan ayaa lasoo dhoobay waddooyinka Jowhar kuwaasi oo amaaanka adkeynaya, waxaana y baaritaanno ku sameynayan Gaadiidka iyo dadka soo galaya Magaalada Jowhar, waddooyinka iyo guud ahaanba Magaalada ayaa lagu soo daadiyay Ciidan isugu jira Nabad Sugid iyo Boolisa, waxaana ay wadaan howlagalo ammaanka lagu xaqiijinayo.

- Advertisement -

Murashixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay jeediyaan Khudbadahooda, waxaana ay ka hor jeedin doonaan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Murashixiinta isku diiwan galiyay Xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa la filayaa inay waxqabadkooda ka horjeediyaan Xildhibaaanada, waxaana ilaa hadda isi-soo sharraxay afar murashax oo kaliya, kuwaas oo u tartamaya jagada Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle.

Hay’adaha amaanaka ayaa si gaar ah ammaanka isaga xil-saaray, iyadoo jowhar  la geeyay Ciidamo isgu jira Boolis iyo Nabad Sugid, waxaana  Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaasi si weyn looga dareemaya doorashada Madaxweynaha iyo madaxweynwe ku xigeenka.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa horay isku diiwaan galiyay, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Doorashada   Madaxweynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Xil.Caaisho Khaliif Xaji Maxamed ayaa Gudoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimada Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utartamayo Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, Musharax Cali Guudlawe Xuseen oo u tartamayo Jagada Madaxweynaha iyo Musharax Yuusuf Axmed Hagar oo utartamayo Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle, waxaana jagada Madaxweyne ku Xigeenka kula tar-tami doona Maxamed Maxamuud Cabdulle oo isna u taagan qaabshada Xilka Madaxweyne ku xigeen ee Hir-shabeelle.

Waxaa la filayaa in Berri oo Arbaco ah in la gudo galo doorashada Madxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories