HomeWararXildhibaan si kulul uga hadlay Dadkii lagu laayay duleedka Warsheekh

Xildhibaan si kulul uga hadlay Dadkii lagu laayay duleedka Warsheekh

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dadkii isku qoyska ahaa ee xalay lagu laayay duleedka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Xildhibaan Carabow oo qoraal soo saaray ayuu si kulul ugu cambaareeyay weerarkii ka dhacay deegaanka xalluulshe ee hoostega Warsheekh, waxaana falkaas uu […]

- Advertisement -

Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dadkii isku qoyska ahaa ee xalay lagu laayay duleedka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Carabow oo qoraal soo saaray ayuu si kulul ugu cambaareeyay weerarkii ka dhacay deegaanka xalluulshe ee hoostega Warsheekh, waxaana falkaas uu ku tilmaamay inuu ahaa mid arxan darro oo ka fog diinta Islaamka.

- Advertisement -

Xildhibaanka ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii la laayay oo isugu jiray Hooyo, laba canug oo ay dhashay iyo Habar yartood, kuwaasi oo ku sugnaa hal goob, isla markaana rag hubeysan ay si bareer ah u dileen.

Sidoo kale Xildhibaan Carabow ayaa waxgaradka iyo culumaa’udiinka ka codsaday inay u istaagan sidii wax looga qaban lahaa arrintaas dhacday, isla markaana mar kale aan sababin inay dhacdo fidno kale.

Maamulka degmada Warsheekh ayuu Xildhibaanka ka dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay falkii xalay lagu xasuuqay dadkii isku qoyska ahaa, si mar kale uusan u dhicin dhacdadaas oo kale.

- Advertisement -

“Waxaan ka codsanayaa maamulka deegaanka, waxgaradka iyo culumaa’udiinka inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaas in aanay sababin fidno kale, kooxdii falkaas geysatay in la soo qabto si Cadaaladda loo horgeeyo. waxaan Rajeynayaa in aan iska
kaashano meelna uga soo wada jeysano Xal uhilida Colaadaha kajira Dagmooyinka Warshiiq iyo Cadale” ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Weerarkii ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ayaa waxaa lagu dilay Hooyo, laba caruur ah oo ay dhashay iyo  habar-yartood, halka saddex qof kalena lagu dhawaaqay weerarkaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid argagax leh.

Maamulka degmada Warsheekh ayaa weli ka hadlin weerarkii dadkaas lagu laayay eek a dhacay deegaanka xalluulshe, waxaana xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay halkaas ay taagneyd xiisad salka ku heysa aano qabiil.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories