HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada. Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka.

- Advertisement -

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib Qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. Dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka go’an xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha”

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awoodsiinta dhallinyarada ee hoggaaminta hay’adaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida, taas oo lagu xaqiijinayo qorsheyaasha ku qotoma xaqiijinta dowlad Soomaliyeed oo horumarsan, ilaalisana madax-bannaanideeda iyo Sharafka shacabkenna.

Dhankooda dhallinyarada goob joogga ku ahaa kulanka, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey dhallinyarada iyo kalsoonida uu ku qabo awooddooda hoggaamineed, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay mideynta cududda dhallinyarada oo ah awoodda ugu badan ee bulshada, si looga miro dhaliyo qorsheyaasha la dagaallanka qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories