HomeWararMaamulka Warsheekh oo ka hadlay dadkii isku qoyska ahaa ee la laayay

Maamulka Warsheekh oo ka hadlay dadkii isku qoyska ahaa ee la laayay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle ayaa ka hadlay dad isku qoys ahaa oo xalay lagu laayay deegaan hoostega degmadaas, kana xiga dhinaca Koonfur. Xoghayaha Warsheekh Cabdullaahi Raage Coloow oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in dad shacab ah oo aan waxba galabsan si bareer rag hubeysan ay xalay […]

- Advertisement -

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle ayaa ka hadlay dad isku qoys ahaa oo xalay lagu laayay deegaan hoostega degmadaas, kana xiga dhinaca Koonfur.

Xoghayaha Warsheekh Cabdullaahi Raage Coloow oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in dad shacab ah oo aan waxba galabsan si bareer rag hubeysan ay xalay ugu dileen deegaanka lagu magacaabo Xalluushe oo hoostega Warsheekh.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Xogahaye Cabdullaahi Raage in falkaas loo geystay Hooyo iyo Carruurteda ay aad uga xun yihiin Maamulka degmada, isla markaana ay tacsi u dirayaa Ehelada dadkii sida arxan darrada ahaa ee loo dilay.

Cabdullaahi Coloow ayaa sheegay in laamaha amniga Maamulka Warsheekh haatan ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan dhacadaas iyo sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay falka oo lagu tilmaamay inuu yahay mid ka fog bani’aadannimada.

Isaga oo sii hadlaayay Xoghayaha Warsheekh ayuu tilmaamay in baaritaanka uu qeyb ka yahay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana cidii loo soo qabtay falkaas sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horgeyn doono.

- Advertisement -

Weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Xalluushe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday hooyo Umul ahed iyo laba caruur ah oo ay dhashay, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, lana geeyay Xarun caafimaad.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta ugu baxsaday dhul-howd ah, waxaana dhacadaas lagu sheegay inay la xiriirto aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka jirtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, laguna guul-dareystay in lasoo afjaro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories