HomeWararKulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya  Ludfi Shariif Maxamed ayaa magaalada Dhusamareb uga qaybgalay kulanka soo aruurinta aragtida bulshada Galmudug ee ku aadan qodobada Dastuurka ee Dib-u-eegista lagu sameeyay. Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha guddiga lasocodka iyo dib-u-eegista dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Wasaarada Dastuurka Galmudug, maamulka Caasimada […]

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya  Ludfi Shariif Maxamed ayaa magaalada Dhusamareb uga qaybgalay kulanka soo aruurinta aragtida bulshada Galmudug ee ku aadan qodobada Dastuurka ee Dib-u-eegista lagu sameeyay.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha guddiga lasocodka iyo dib-u-eegista dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Wasaarada Dastuurka Galmudug, maamulka Caasimada Galmudug iyo Bulshada Magaalada.

- Advertisement -

Ugu horayn waxaa furitaanka ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda magaalada Dhusamaereb Cabdi Xaashi Caroole waxa uuna xusay inuu soo dhowaynayo qobadan Bulshada loo soo bandhigay.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa ka hadlay madashan waxa uuna xusay in Galmudug talao ku yeelanayso qabyatirka Dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga lasocodka iyo Dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey socdaalkooda ay halkan ku yimaadeen iyo kulamadaan lagu soo bandhiga qodobada laga dooday.

- Advertisement -

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Ludfi Shariif Maxamed ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna xusay ahmiyada howshani leedahay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories