HomeWararKenya oo qorsheyneysa tallaabo ku aadan isku socodka dalkooda iyo Somalia

Kenya oo qorsheyneysa tallaabo ku aadan isku socodka dalkooda iyo Somalia

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa sidii dadka Soomaaliyeed ugu fududeyn laheyd fiisaha dalka ku galka, si loo horumariyo isku socodka iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xoghayaha Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso fududeynta fiisaha dalka ku galka dadka Soomaaliyeed ee dalkaas, ayna tixgelinayan socdaalka Soomaalida. Sidoo […]

- Advertisement -

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa sidii dadka Soomaaliyeed ugu fududeyn laheyd fiisaha dalka ku galka, si loo horumariyo isku socodka iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso fududeynta fiisaha dalka ku galka dadka Soomaaliyeed ee dalkaas, ayna tixgelinayan socdaalka Soomaalida.

- Advertisement -

Sidoo kale Macharia ayaa tilmaamay inay ku qasban yihiin fududeynta tallaabadaas, si loo hormariyo isku socdka labada dal, sida oo kale dalalka Uganda, Itoobiya, Jabuuti iyo Turkiga oo si toos ah Shirkadahooda diyaaradaha duulimaadyo ku yimadan Muqdisho.

Dhinaca kale Xoghaye Secretary Macharia ayaa waxaa uu tilmaamay in xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan dhibaato ku noqon doonin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee u dhaxeeya labada dal.

Maalin kahor ayuu Xoghayaha  Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau iyo wafdi la socday socdaal ku yimideen Magaalada Muqdisho, iyagoona kulan la qaatay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka.

- Advertisement -

Xoghaye Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa Kenya kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo muddooyinkii u dambeeyay xiriirkooda mugdi galay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories