HomeWararDowladda oo ciidamo u dirtay deegaankii lagu laayay dadkii isku qoyska ahaa

Dowladda oo ciidamo u dirtay deegaankii lagu laayay dadkii isku qoyska ahaa

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ciidamada Milateriga Soomaaliya gaar ahaan Qeybta 27aad ee xooga dalka ayaa ku baxay deegaanka Xalluulshe ee duleedka degmada Warsheeke oo xalay dad isku qoys ahaa si arxan darro loogu dilay. Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sheegay in Ciidakan ay marka hore tegi doonaan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha, kadibna ay tegi doonaan deegaanka Xalluulshe, […]

- Advertisement -

Ciidamada Milateriga Soomaaliya gaar ahaan Qeybta 27aad ee xooga dalka ayaa ku baxay deegaanka Xalluulshe ee duleedka degmada Warsheeke oo xalay dad isku qoys ahaa si arxan darro loogu dilay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sheegay in Ciidakan ay marka hore tegi doonaan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha, kadibna ay tegi doonaan deegaanka Xalluulshe, si loo sugo amniga.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa howlgal ballaaran bilaabi doona, si loo soo qabto dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay dadkii isku qoyska ahaa ee ku sugnaa hal goob.

Weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Xalluushe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday hooyo Umul ahed iyo laba caruur ah oo ay dhashay, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, lana geeyay Xarun caafimaad.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta ugu baxsaday dhul-howd ah, waxaana dhacadaas lagu sheegay inay la xiriirto aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka jirtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, laguna guul-dareystay in lasoo afjaro.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories