HomeWararXisbigii ugu horreeyay oo taageeray Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/21

Xisbigii ugu horreeyay oo taageeray Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/21

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay. Qoraal kasoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashada ee 2020/2021, wuxuuna Xisbiga ku baaqay in si deg deg ah loo […]

- Advertisement -

Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Gen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashada ee 2020/2021, wuxuuna Xisbiga ku baaqay in si deg deg ah loo guda-galo Arrimaha doorashada, lana fuliyo Jadwadkii lagu heshiiyay.

- Advertisement -

Sidoo kale Qoraalka Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in diidmada lagala horyimid Guddiga Doorashooyinka ay keeni karto qalalaaso gala diyaar garoowga Doorashada dalka ka dhaceysa.

Waxaa kaloo Xisbiga Muungaab ku tilmaamay diidmada Guddiyada doorashada inay keento dib u dhac ku yimaada Doorashada, isla markaana sababta muddo kororsi ay sameeyaan Madaxda dowladda.

Ugu dambeyn Cadaaladda iyo Horumarka ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Madaxda talada dalka heysa xiliyada Doorashooyinka marka la gaaro ay saameyn ku yeelato Guddiyada Doorashada.

- Advertisement -

Qoraalka Xisbiga Muungaab ayaa kusoo aadayaa, iyadoo Madasha xisbiyada Qaran iyo xubno kale ay kasoo horjeeysteen Guddiyada Doorashada ee la magacaabay, iyagoona ku sheegay in xubno ka tirsan Guddiyada kamid yihiin Hay’adda NISA.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Muungaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories