HomeWararWeeraro sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Galgaduud

Weeraro sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Galgaduud

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay duleedka barri ee deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo geysteen rag maleeshiyaad ah. Weerarkan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii rag hubeysan ay ka shakiyeen laba dumar ah oo ku sugnaa hoy ay deganaayeen, iyagoona rasaas dhowr ah ku […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay duleedka barri ee deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo geysteen rag maleeshiyaad ah.

Weerarkan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii rag hubeysan ay ka shakiyeen laba dumar ah oo ku sugnaa hoy ay deganaayeen, iyagoona rasaas dhowr ah ku furay, waxaana halkaas dhaawac culus ku gaaray labadii dumarka ahaa.

- Advertisement -

Dhalinyaro ku sugnaa meel ku dhow goobta uu falku ka dhacay oo maqlay dhawaqa rasaasta ayaa tegay goobta, iyagoona durbo gaari kusoo qaaday dhaawacyada dumarka, iyagoona u qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Cadaado.

Sidoo kale gaariga dhaawacyada lagu waday oo ku socday xawaare sare ayaa waxaa wadada u galay rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, waxaana halkaas ku geeriyooday mid kamid ah dumarkii dhaawac ahaan loo qaaday iyo Nin la socday gaariga.

Waxaa kaloo weerarka rasaasta ee gaariga lagu furay ku dhaawacmay laba rag oo kamid ahaa dadkii dumarka u qaaday Isbitaalka, iyadoona goobta ay ka baxsadeen maleeshiyaadkii hubeysnaa ee weerarada geystay.

- Advertisement -

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ka jiray xiisad u dhexeeeysa laba maleeshiyo beeleed, kadib markii dhawaan halkaas lagu dilay dad shacab ah, iyadoo falalkii xalay iyo horey u dhacay yihiin aano qabiil

Maamulka Galmudug ayaa weli wax war ah kasoo saarin weeraradii xalay mar kale ka dhacauy Gobolka Galagduud, waxaana Gobolkaas uu u muuqaa mid ku soo laab-laabtay weerarada iyo dilalka la xiriira qabaa’ilka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories