HomeWararMusharaxiinta u taagan Madaxweynaha Somalia oo qaadacay Doorashada 2020/21

Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Somalia oo qaadacay Doorashada 2020/21

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa War Cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha dowladda oo lagu heshiiyay in waqtigii loogu tala-galay ay ku dhacdo. Qoraal kasoo baxay Musharaxiin dhowr ah ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku […]

- Advertisement -

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa War Cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha dowladda oo lagu heshiiyay in waqtigii loogu tala-galay ay ku dhacdo.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiin dhowr ah ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA.

- Advertisement -

Musharaxiinta Qoraalka soo saaray ayaa waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale.

“ Waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka” ayuu lagu yiri Qoraalka.

Madasha Xisbiyada Qaran oo xalay soo saaray Qoraal ayay ku Cambaareeyeen Guddiyada Doorashada heer Federaal, iyagoona sheegay in xubnaha Guddiga ay ka tirsan yihiin Hay’addaha NISA iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka, taasina ay baalmarsan tahay Shuruucda u yaalla dalka.

- Advertisement -

Hoos ka Akhrsio Qoraalka ay soo saareen Musharaxiinta.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories