HomeWararMooshin ka socda Garoowe iyo Madaxweyne Deni oo Deg-deg kusoo laabanaya

Mooshin ka socda Garoowe iyo Madaxweyne Deni oo Deg-deg kusoo laabanaya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xildhibaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa weli Mooshin ka wada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka Puntland, kuwaasi oo loo jeediyay eedeeymo kala duwan. Mooshinka oo maalmihii dambe ay wadeen Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland ayaa mar kale xalay soo shaac baxay, kadib markii Xildhibaanada ay kulan ku yeesheen Magaalada Garoowe, […]

- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa weli Mooshin ka wada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka Puntland, kuwaasi oo loo jeediyay eedeeymo kala duwan.

Mooshinka oo maalmihii dambe ay wadeen Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland ayaa mar kale xalay soo shaac baxay, kadib markii Xildhibaanada ay kulan ku yeesheen Magaalada Garoowe, iyagoona doonaya inay horgeyan Baarlamaanka Mooshinkaas.

- Advertisement -

Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ayaa Guddoomiye ku-xigeen Koowaad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ismaaciil Maxamed Warsame waxaa ay ku eedeeyeen inay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay qorsheynayan in Mooshinka maalinta berri oo Isniin ah la horgeeyo Baarlamaanka Puntland, waxaana xusid mudan in horey loo joojiyay Mooshinka haatan socdo, balse mar kale uu  soo laba-kacleeyay.

Dhinaca Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar dalka dibadiisa ugu maqan gaar ahaan Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu ka war helay Mooshinka laga wada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo labaad ee Maamulka.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa la tilmaamay inuu la soo xiriiray Xildhibaano ka tirsan kuwa Mooshinka wada, isla markaana uu dalbaday in mooshinka dib loo dhigo inta uu ka imaanayo, isagoona ku wajahan Magaalada Garoowe maalinta barri.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories