HomeWararMahdi Guuleed “Farmaajo waa Astaanta Qaranka Cabdi Xaashina waa hoggaamiye Mucaarad ah...

Mahdi Guuleed “Farmaajo waa Astaanta Qaranka Cabdi Xaashina waa hoggaamiye Mucaarad ah lana shaqeysta Mucaaradka”

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiye Mucaarad ku ah dowladda kana soo horjeeda. Mahdi Guuleed oo wareysi bixiyay ayuu ku sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka horyimid in dalka ay dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah, isla […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiye Mucaarad ku ah dowladda kana soo horjeeda.

Mahdi Guuleed oo wareysi bixiyay ayuu ku sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka horyimid in dalka ay dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana uu kasoo horjeestay dowladda Federaalka, sidaasina uu ku yahay hoggaamiye Mucaarad ah lana shaqeysta mucaaradka.

- Advertisement -

Waxaa kaloo uu sheegay Mahdi Guuleed in uusan ogeyn in Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaaj uu ka dhexeeyo khilaaf, isagoo Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay Astaanta Qaranka.

”Qoraalada isdaba jooga ah uu soo saarayo Cabdi Xaashi waxa ay natuseesaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad, hoggaamiyaha mucaaradka dowladda, wuxuuna wiiqay awooddii sharci dejinta, waayo sharci dejinta waa Baarlamaan labo aqal ka kooban aqalka sare muddo ma aanay fariisan, qeyla dhaantooda waa ogeyd, hadda waxaa jira aqal sare oo aan muddo fariisan”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Si kastaba Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kasoo horjeestay Guddiyada  Doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Somaliland ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, xili uu Cabdi Xaashi horey u sheegay inuu isaga soo magacaabayo Guddiyadaas, balse la magacaabay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories