HomeWararGuddoomiyaha G/Banaadir oo maalmo kadib kusoo laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha G/Banaadir oo maalmo kadib kusoo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku maqnaa dalka Turkiga. Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyo xubno kale.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa marka hore ka mahaceliyay soo dhaweynta loo soo sameeyay, isagoona intaas kadib ka hadlay howlihii la qabtay inta uu safarka ugu maqnaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa bogaadiyey shaqadii la qabtay intii uu maqnaa, waxa uuna u mahad celiyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ku xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish dalka Turkiga uu u aaday xaalad Caafimaad, dibna uu ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories