HomeWararFaah faahin:-Rag hubeysan oo Dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed

Faah faahin:-Rag hubeysan oo Dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Koox  Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas. Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Jimaale Bosska, waxaana burcadda ay toogteen xili uu ku sugnaa xaafadda Elsis Magalada Cape-Town ee […]

- Advertisement -

Koox  Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Jimaale Bosska, waxaana burcadda ay toogteen xili uu ku sugnaa xaafadda Elsis Magalada Cape-Town ee Koonfur Afrika.

- Advertisement -

Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa Goobta ka baxsaday falka dib, waxaana durbo halkaas tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka Agdhawaa, iyagoona ka qaaday Meydka Marxuumka.

Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum  Cabdi uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee kunoolaa  xaafadda Elsis Magalada Cape-Town.

Shalay ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday Toorey lagu dhaawacay Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa xaafadda Bredasdorp ee hoostegta Cape Town, isla markaana waxaa boob xoogan loo geystay goobo ganacsi ah oo ay lahaayeen Muwaadiniinta.

- Advertisement -

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilal loo geystaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2020 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories