HomeWararDuqa Muqdisho oo ka hadlay saameynta ka dhalatay Roobabkii da’ay

Duqa Muqdisho oo ka hadlay saameynta ka dhalatay Roobabkii da’ay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ka hadlay roobabkii xooganaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay Caasimadda dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka. Guddoomiye Cumar Finish ayaa marka hore sheegay in Maamulka uu ku guuleystay maareynta goobo dhowr ay biyaha roobka fariisan jireen, isla markaana gaadiidka iyo dadweynaha dhibaato ku qabeen, […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ka hadlay roobabkii xooganaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay Caasimadda dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa marka hore sheegay in Maamulka uu ku guuleystay maareynta goobo dhowr ay biyaha roobka fariisan jireen, isla markaana gaadiidka iyo dadweynaha dhibaato ku qabeen, balse la hagaajiyay.

- Advertisement -

Cumar Finish ayaa Ganacsada iyo dadka kale ee wax heysta ugu baaqay inay Gurmad u sameeyan qoysaska danta yar iyo dad kale ee masaaxiikiinta ee saameynta uu ku yeesho roobabka xiliyada ay da’aan.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa ku-xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay shaqadii ay qabteen oo aheyd  biyihii roobka ee laga qaaday waddooyin muhiim u isku socodka gaadiidka iyo dadka oo biyaha xireen.

Hadalkaan ayuu Guddoomiye Cumar Finish ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, wuxuuna u mahadceliyay Mas’uuliyiintii Garoonka kusoo dhaweeyay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories