HomeWararDowladda oo bilaawday wejiga labaad ee la-dagaallanka Ayaxa

Dowladda oo bilaawday wejiga labaad ee la-dagaallanka Ayaxa

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfuray wejiga labaad ee buufinta iyo la dagaallanka Ayaxa oo laga fulin doono Gobolada Koonfureed ee dalka. 30 Degmo oo ka mid ah maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa loo dhoofin doona qalabkan oo ay Wasaaradda Beeraha ugu talogashay in lagu buufiyo Ayaxa oo ay qeylo […]

- Advertisement -

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfuray wejiga labaad ee buufinta iyo la dagaallanka Ayaxa oo laga fulin doono Gobolada Koonfureed ee dalka.

30 Degmo oo ka mid ah maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa loo dhoofin doona qalabkan oo ay Wasaaradda Beeraha ugu talogashay in lagu buufiyo Ayaxa oo ay qeylo dhaan ka muujinayaan Beeraleyda Soomaaliyeed, maadaama uu waxyeelo u geystay tacabkooda.

- Advertisement -

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in qalabkan uu yareyn doono dhibaatada Ayaxa uu ku hayo Beeraleyda.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa wada dadaallo wax looga qabanayo Ayaxa oo saameyn weyn ku yeeshay Nolosha Beeraleyda qeybahooda kala duwan.

Beeraleyda Gobolada dalka Soomaaliya ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Ayaxa oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo sanadkaan la beeray, waxaana dadka beeraleyda ah doowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in arrinta Ayaxa wax ka qabato.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories