HomeWararDowlad Goboleedkii ugu horreeyay oo War kasoo saartay Guushii Joe Biden

Dowlad Goboleedkii ugu horreeyay oo War kasoo saartay Guushii Joe Biden

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka ee uu ku guuleystay Musharaxii Xisbiga Demoqoraadiga ee Joe Biden. Madaxweyne Saciid Deni oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ugu hambalyeeyay Joe Biden oo ku guuleystay Doorashadii Mareykanka, isla markaana noqday Madaxweynihii 46-aad ee dalkaas. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka ee uu ku guuleystay Musharaxii Xisbiga Demoqoraadiga ee Joe Biden.

Madaxweyne Saciid Deni oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ugu hambalyeeyay Joe Biden oo ku guuleystay Doorashadii Mareykanka, isla markaana noqday Madaxweynihii 46-aad ee dalkaas.

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale guushii Joe Biden uu ka gaaray Madaxweynihii waqtigiisu dhammaaday ee Donald Trump ku tilmaamay mid taariikhi ah, kadib markii uu Codad farabadan Biden uga adkaaday Trump.

“Hambalyo, Guushiina Taariikhiga ah; Madaxweynaha cusub ee Maraykanka loo doortay Joe Biden iyo Ku xigeenkiisa Kamala Harris “ ayuu yiri Madaxweye Saciid Deni oo qoraal ka soo saaray Doorashada Mareykanka.

Codadka ay dhiibteen shacabka Maraykanka ayuu Joe Biden oo 78-jir ah ka helay in ka badan 74.8-milyan oo cod, halka Trump oo xisbiga Jamhuuriga ah uu helay ilaa 70.5-milyan oo Cod.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories