HomeWararCiidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo howlgal qorsheysan fuliyay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyagoona kusoo saaray miinooyin dhowr ah oo lagu aasay wadada. Ciidanka ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Dhufeeska Cada-xaar, Xersi-fiin iyo bulacle, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyagoona kusoo saaray miinooyin dhowr ah oo lagu aasay wadada.

Ciidanka ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah Dhufeeska Cada-xaar, Xersi-fiin iyo bulacle, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayna ku lahaayeen fariisimo, hayeeshee la sheegay in la burburiyay.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaya howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka ay weli wadaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana lagu doonayo in Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa tilmaamay in inta uu socday howlgalka ay ku soo furteen Caruur ay dhaleen dad xoolo dhaqalo ah, kuwaasi oo ay sheegeen in la afduubtay.

Maalmo kahor ayay aheyd markii Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, isla markaana Ciidanka ay Al-shabaab ugala wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen, sidoo kalena dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories