HomeWararRW Abiy oo Isbedel deg-deg ah ku sameeyay Taliska Ciidanka Itoobiya

RW Abiy oo Isbedel deg-deg ah ku sameeyay Taliska Ciidanka Itoobiya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, isagoo sidoo kale magacaabay Saraakiil Ciidan, xili uu socdo weli dagaalkii uu ku dhawaaqay. Dr. Abiy Axmed oo Wareegto soo saaray ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisii Demokan Meko ugu magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, waxaana uu xilkaas laga qaaday […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, isagoo sidoo kale magacaabay Saraakiil Ciidan, xili uu socdo weli dagaalkii uu ku dhawaaqay.

Dr. Abiy Axmed oo Wareegto soo saaray ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisii Demokan Meko ugu magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, waxaana uu xilkaas laga qaaday Wasiirkii haayay.

- Advertisement -

Temesgen Tiruneh oo ahaa Madaxweynihii xilka iska Casilay ee deegaanka Amxaarada ayuu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, xili uu daqiiqado kahor uu is Casilay.

Sidoo kale Abiy ayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya u magacaabay, Birhaanu Juli, halka  Gen. Ababaw Tadesse uu isna u magacaabay ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Itoobiya  ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska u magacaabay, Demelash G. Michae.

- Advertisement -

Warbaahinta Itoobiya waxay sheegtey in isbeddelkan lagu badbaadinayo dalkaas oo haatan uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Milateriga Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigreega.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories