HomeWararXisbiga CC Shakuur oo War kasoo saaray Guddiyada Doorashooyinka 2020/21

Xisbiga CC Shakuur oo War kasoo saaray Guddiyada Doorashooyinka 2020/21

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Maanta war kasoo saaray Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee lasoo magacaabay. Qoraal kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa walaac xoogan iyo kalsooni darro looga muujiyay xubnaha Guddiyada Doorashada ee 2020/2021, ayna soo magacaabeen Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka ka jira. […]

- Advertisement -

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Maanta war kasoo saaray Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee lasoo magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa walaac xoogan iyo kalsooni darro looga muujiyay xubnaha Guddiyada Doorashada ee 2020/2021, ayna soo magacaabeen Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka ka jira.

- Advertisement -

Xisbiga ayaa sheegay in inta badan xubnaha Guddiyada ay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, halka kuwo kalena ay ku caan baxeen taageerida Madaxweyne Farmaajo iyo aflagaaddeynta Mucaaradka dowladda.

Sidoo kale Xisbiga ayaa Qoraalkooda ku sheegay in la dhinac maray heshiiskii ahaa in  Guddoomiyaha Aqalka Sare looga dambeeyo soo magacaabista Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Somaliland.

Ugu dambeyn Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay in dib loogu noqdo magacaabista xubnaha Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee lasoo magacaabay, si loo waafajiyo shuruuda heshiiskii la gaaray.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Xisbiga Wadajir.

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories