HomeWararXildhibaan ku taliyey in la baabi'iyo Wasaaradda Gargaarka Somalia

Xildhibaan ku taliyey in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Somalia

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay tallo ah in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya. Xildhibaan Amiin Jeesoow ayaa waxaa uu sheegay in dalka uusan u baahneyn Hay’ad Gargaar, hayeeshee uu u baahan yahay mid horumarineysa xoolaha la dhaqdo, beeraha ka shaqeyneysa iyo sida dadka loo barayo abuurka […]

- Advertisement -

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay tallo ah in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan Amiin Jeesoow ayaa waxaa uu sheegay in dalka uusan u baahneyn Hay’ad Gargaar, hayeeshee uu u baahan yahay mid horumarineysa xoolaha la dhaqdo, beeraha ka shaqeyneysa iyo sida dadka loo barayo abuurka beeraha ee wax soo saarka leh.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Xidlhibaanka in aan baahi loo qabin Hay’addaha Gargaarka ee la cararayo Galeyda, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo waxayabaha dadka niyadda ka dilaya oo ula jeeday dadka gacanta laga quudinayo iyo kuwa guryaha wax lagu siiyo.

“Waxaan soo jeedinaa in la baabi’iyo Wasaaradda Gargaarka Dalkaan uma baahna gargaar ee wuxuu u baahanyahay hormarin hala joojiyo waxayabaha dadka niyadda ka dilaya” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ku baaqay in loo soo jeesto in dadka beeraleyda abuur wanaagsan la siiyo iyo qalabkii ay u adeegsan jarista dalagyadda kala duwan ee la beero.

- Advertisement -

Hadalkaan ayuu Xildhibaan Jeesoow ka sheegay kulan Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku yeesheen Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories