HomeWararXildhibaan ka badbaaday Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xildhibaan ka badbaaday Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo dhowr oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa Miino la dhigay wadadda dhinaceeda ayaa lagu qarxiyay gaari aan xabadda kari ah uu la socday Senator Cismaan Maxamuud Dufle, waxaana qaraxaas […]

- Advertisement -

Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday Qaraxii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo dhowr oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miino la dhigay wadadda dhinaceeda ayaa lagu qarxiyay gaari aan xabadda kari ah uu la socday Senator Cismaan Maxamuud Dufle, waxaana qaraxaas uu ka dhacay inta u dhexeeysa Isgoyska Sayidka iyo Hotelka Dayax gaar ahaan Albaabka hore ee Daacad Car-care.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu dhacay xili wadadda uu mararay gaariga Prof. Dufle, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan Ilaalada Xildhibaanka iyo qof shacab ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa Isgoyska Sayidka oo tegay goobta ayaa xiray aaga oo dhan, iyagoona saneeyay baaritaano kala duwan, waxaana xaaladda goobta markii dambe ay kusoo laabatay si caadi ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho, isla markaana uu ka badbaaday Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo lala eegtay, balse uu saarnaa gaari nooca xabadda aan karin.

- Advertisement -

Habeeno kahor ayey markii agagaarka isgoyska KM-4 ee Muqdisho qaraxaan oo kale lagula eegtay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in kastoo uu ka badbaaday, balse dhaawac uu soo saaray qaar kamid ah Ilaaladiisa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories